Milliteriga Soomaaliya iyo malleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori

Milliteriga Soomaaliya iyo malleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori

Moqokori (Raxanreeb) — Ciidamada Millatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan malleeshiyo deegaanka ah ayaa barqadii galay maagalada Moqokori oo ku taalla bariga fog ee gobolka Hiiraan kaddib markii ay halkaas isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Inta aanay ciidamada dawladda iyo malleeshiyada deegaanka ah aanay qabsan Moqokori waxay horey gacanta ugu sii dhigeen tuulooyin ay kamid yihiin Gumare, Mooro eri, iyo Terdo oo dhammaantood ku dhow Moqokori.

Al-Shabaab ayaa xukumayay Moqokori tan iyo bishii Septemer sannadkii 2016 kii, markaas oo ay qabsadeen kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii dawladda iyo kuwii Itoobiya ee halkaasi joogay.

Dhinaca kale hawlgallo kale ayaa iyana lagu soo warramayaa in ciidamada dawladdu ka wadaan gobolka Galgaduud ee isla bartamaha Soomaaliya, waxaana uu weriyaha BBC-da uu soo sheegayaa in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan malleeshiyo deegaanka ah ay galeen dhawr tuulo oo Bari ka xiga magaalada Baxdo.

BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published.