Ukraine: Ciidamada kasoo goosta Ruushka si wanaagsan ayaan ula dhaqmi doonaa

Kyiv (Raxanreeb) — Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmi doono ciidamada kasoo goosta Ruushka.

Zelensky wuxuu ka codsaday ciidamada Ruushka inay isaga baxsadaan halkaas ama ay isu soo dhiibaan Ukraine baddalkii loo maxkamadeyn lahaa inay galeen dambiyo dagaal.

“Waxaa wanaagsan laheyd in ciidamada Ruushka ay isku soo dhiibaan Ukraine intii lagu dili lahaa duqeymaheena.”

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Ruushka Putin uu Sabtidii saxeexay sharci dhigaya in 10 sano xarig ah uu mudan karo askari kasta oo diida in uu dagaalka ka qeyb qaato ama sameeya amar diido.

Leave a Reply

Your email address will not be published.