Garoowe(Raxanreeb) xubnaha cusub ee Barlamaanka maamulka Puntland ayaa hubinti la’aan ku keentay siyaasada maamulka Puntland iyo hanaanka doorashada maamulkaas.
Magaalada Garoowe waxaa goor dhaw shir deg deg ah isugu yimid xubnaha mucaaradka ee u tartamaya , doorashada madaxtinimada maamulkaas kuwaas oo qaadacay xubnaha xildhibaanada ee la dhaariyay.
War si wadajir ah ay u soo saareen ayay ku sheegeen in talabadaas Puntland ay ku keeni karto , burbur iyo in markale gacan qaad u dhaco sida ay ku xuseen warka ay soo saareen.
Magaalada Garoowe sidoo kale waxa ka dhacay kulamo kale oo uu ka qayb ahaa Madaxwayne ku xigeenka maamulkaas Axmed Karaash kaas oo sheegay in wax la aqbali karin ay tahay xubnaha xildhibaanada ee la dhaariyay.
Hoos- ka akhriso warqad ay soo saareen xubnaha mucaaradka ah ee u tartamaya jagada madaxwaynaha Puntland
Leave a Reply