MUQDISHO : Dadka shacabka waa lagu dhacaa , waxna lagama qaban

MUQDISHO : Dadka shacabka waa lagu dhacaa , waxna lagama qaban

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa wali loo taag la’ yahay kooxaha hubaysan ee dhaca u gaysta dadka shacab ah.

Degmooyin dhawr ah ayaa laga soo warinayaa in ay ka jiraan kooxo dhac ka gaysta kuwaas oo xitaa mararka qaar dhibaateeya dadka ay dhaca u gaysanayaan.

Ciidanka Dowladda ayaa ku celceliya in xoogga ay saari doonaan wax ka qabashada dhibaatada ay la kulman dadka ku nool degmooyinka xaafadaha caasimadda oo qaati ka taagaan koox hubaysan.

Ciidanka booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo dhac ka geysanayay meelo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggaas oo gaaraya ilaa Saddex nin ay Mobile ka dhaceen Haweeney, balse Ciidamada oo ka warhelay ay ku baxeen

Inkastoo markasta ciidanka ay sheegayaan in ay wadaan howlgalada amniga ay ku sugayaan gacanta ay ku soo dhigaan kooxaha dhibaatada gaysta hadana wali waa ay dhacaan ficiladaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.