MUQDISHO : Haweenay bil ka hor la gubay oo la aasay.

MUQDISHO : Haweenay bil ka hor la gubay oo la aasay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho maanta oo Jimcaha waxaa lagu aasay Luul Cabdicasiis oo bil ka hor ninkeeda uu ku gubay magaalada Muqdisho.

Aaska Haweenaydan ayaa ka danbeysay ka dib markii todobadkan Sayid Cali oo loo haysto dilkan Maxkmada gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasha ah.

Aaska haweenaydan waxaa ka qayb galay ehelada marxuumadda & dadwayne badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.

Salaada Janaasada waxaa lagula tukaday Isbitaalka Digfeer halkaas oo tan & markii la gubay maydkooda uu ku jiray qoobijiyaha waxayna sugaysay Cadaalada.

Dhamaan dadkii ka qayb galay aaska Marxuumadda ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilka arxan darada ah ee loo gaystay Hooyo Luul oo ahayd gabar ku jirtay Ilmo koris.

Si kastaba markii dilka lagu xukumay ninkii gubay ayaa waxaa racfaan ka qaatay qareenada u doodayay eedaysanaha oo sheegay inaysan ku qanacsanayn habka Garsoorka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.