Muqdisho (Raxanreeb ) Tiro hoobiyaal ah ayaa la soo warinayaa in ay ku soo dheceen aagga Masjidka Abuu-Hureyra , Hormuud illaa Xareed ee Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaaro ka dhashay Weerarkan hoobiyaasha ah ee maanta ku dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Illaa lix qof ayaa ilaa iyo hadda la sheegayaa in dhaawacyo ay soo gaareen kuwaas oo qaaday gadiidka deg deg ah.
Ku dhowaad 4 Hoobiye ayaa ku dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha halkaas oo dadku ay bilaabeen in ay ka kala cararaan.
Maanta ayay ahayd markii ganacsatada ay sheegeen in ay cabasho ka yihiin shaqsiyaad gaar ah oo ka qaar ah oo ka qaada lacag aysan ogayn halka ay ka socoto.
Leave a Reply