MUQDISHO :Hub & dhar  ciidan oo lagu soo saaray Hotelo ku yaalla Caasimadda

MUQDISHO :Hub & dhar  ciidan oo lagu soo saaray Hotelo ku yaalla Caasimadda

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ,  dharka  ciidanka Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda .

Hotelo ku yaalla caasimadda ayaa lagu soo qabtay , hubkan iyo dharka ciidanka Soomaaliya halkaas oo ay howlgal ciidanka ay ka fuliyeen.

Ciidanka Soomaaliya ayaa gudaha u galay dhawr meelood oo  Hotela ah halkaas oo ay ku soo qabteen hub iyo dharka ciidanka oo aan wali faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

“Meelihii aan tegnay meel kamid ah oo magaceeda la yiraahdo Saba waxaa lagu qabtay dareeska ciidamada milatariga oo ka kooban 45 joog iyo saddex qoray oo AK47 ah ‘’ sidaas waxaa sheegay saraakiisha ciidanka Dowladda oo warbaahinta la hadlay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay socon doonaan howlgalada ay ku sugayaan amniga caasimadda oo maamulka uu sheegay in wax badan ay ka qabteen tan iyo bishii Ramadaan.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu Albaabada isugu laabay Shan Xarumood oo lagu isticmaali jiray waxyaabaha Maanka dooriya, kuwaas oo ku yaallay Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis ee Gobolkan Banaadir.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho  waxa ay ka wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga caasimaada  kuwaas oo ka dhacay meelo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.