MUQDISHO : Xildhibaan Salaax Deyfullah oo lagu dilay Degmada Wadajir.

MUQDISHO : Xildhibaan Salaax Deyfullah oo lagu dilay Degmada Wadajir.

Muqdisho (Raxanreeb ) War Raxanreeb uu ka helayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay xildhibaan hore ee ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan hore Ibraahim Salaax Deyfullah ayaa lagu diley Degmada Wadajir . Marxuumka oo madaxa ay xabad uga dhufteen Al- Shabaab  ayaa sawirkiisa waxaa ka muuqda waxyeelo daran .

Dilka goobta uu ka dhacay waxaa gaaray ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa degmada Wadajir oo ah halka dilka uu dhacay galabta.

Laamaha amniga Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadal wali dilka galabta degmada Wadajir ee Muqdisho loogu gaystay xildhinaan Saalax Deyfullah oo ahaa xildhibaan hore.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka dhacayay dilal kala duwan oo qaarkood lala eegtay shacab mana jirto ilaa iyo hadda war arimahan ay ka soo saareen laamaha amniga Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.