BELEDWAYNE : Odayaal la macaamilay kooxda Al- Shabaab oo lagu xiray.

Home » BELEDWAYNE : Odayaal la macaamilay kooxda Al- Shabaab oo lagu xiray.

Beledwaye ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Beledwayne ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray Odayaal dhawaan la macaamilay kooxda Al- Shabaab.

Saraaakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa magaalada Beledweyne  ku xiray  odayaashan oo tiradooda lagu sheegay lix ruux.

Howlgal gaar ah ayaa la sheegay oo ka dhacay magaalada  Beledwayne ee gobolka Hiiraan in lagu soo qab- qabtay Odayaashan la macaamiilay kooxda Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa dhawaan tagay deegaano ku yaala galbeedka Beledweyne oo ay Al-Shabaab ka taliyaan, kuwaasi oo kooxda lasoo galay heshiisyo ku aadan in ciidamada beeshooda ay ka saarayan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Odayaashan ayaa jabiyay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda iyo maamulada kula jiraan dagaal ka dhan ah.

Maalmo ka hor unbay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun xabsi oo shan sano ah ay ku riday odayaal Shabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.