Raila Odinga oo qaadacay natiijada doorashadii Kenya

Raila Odinga oo qaadacay natiijada doorashadii Kenya

NAIROBI (Raxanreeb) Hoggaamiyaha isbahaysiga Azimio ee dalka Kenya, Raila Odinga, oo  looga guulaystay doorashada dalka Kenya ee guusha ay ku raacday Wialliam Ruto ayaa diiday natiijada doorashada taas oo ahayd mid la filiyay.

Waxa uu sheegay in ay waxba kama jiraan ay tahay natiijada  uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya ee IEBC oo uu yiri ‘’ waa waxba kama jiraan”.

Raila Odinga ayaa xusay in Guddoomiyaha Guddiga madax banaan ee doorashada uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga,  oo afar xubin oo ka mid ah ay diiday natiijada doorashada.

“Waxa aan shalay argnay waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,”  sidaas waxaa shirjaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay Raila Odinga.

Waxa uu sheegay Mr Odinga in uu qaadi doono talaabo kasta oo sharciga waafaqsan si loo laalo natiijada doorashada uu ku guulaystay , William Ruto oo xilka kala wareegi doono  Uhuru Kenyatta.

 “Tiradii uu ku dhawaaqay Mr Chebukati waxba kama jiraan waxaana khasab ah in maxkamadaha sharciga ay meesha ka saaraan” ayuu yiri Odinga

Waa markii shanaad ee 77-jirkan uu u tartamo jagada ugu sareysa dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.