Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan wararka laga helayo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dilaacay cudurka shuban- biyooda sida ay ku warameen dhaqaatiirka caafimaad.
Dadka uu haleelay waxaa u badan caruur , waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ay u dhinteen 11 Caruur kuwaas oo dhamaantooda laga kala keenay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Isbitaalada kala duwan ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa waxaa jiifa Caruur badan oo uu soo ritay Cudurkaan Shuban biyoodka ah, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladooda Caafimaad.
Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalada Baledweyne oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in Cudurkaan uu dilaacay markii laga soo noqday fatahaada ku dhufatay magaalada oo xaafadaha Baledweyne ku reebtay biyo ay ka dhasheen wasaq.
Xaafadaha ugu daran ee dadka uu soo ridanayo Shuban Biyoodka ayaa dhaqaatiirtu sheegeen iney kala yihiin Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo taako oo ahaa sadaxda xaafadood oo biyahii fatahaada sida weyn u maasheeyeen.
Leave a Reply