Muxuu kala hadlay madaxweyne Xasan Sheekh culimada Soomaaliyeed ?

Muxuu kala hadlay madaxweyne Xasan Sheekh culimada Soomaaliyeed ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isaga oo si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka fikrika Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka ayaa ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Geestka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.