Muxuu yahay hubka Mareykanka uu siiyay DFS ee Soomaaliya ?

Muxuu yahay hubka Mareykanka uu siiyay DFS ee Soomaaliya ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaaDowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska Xooggu Dalka ee Danab.

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howl-galaan guutada 16aad ee kumaandooska Danab XooggaDalkaSoomaaliyeed, waxaana Taliyaha ciidanku kula wareegay munaasabad oo kooban oo ka dhacday Muqdisho.

Sii Hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay XDS gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa Dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.