MW Xasan oo xilal u magacabay xildhibaano u codeeyay Dastuurka.

MW Xasan oo xilal u magacabay xildhibaano u codeeyay Dastuurka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) –Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa loo magacabay xilal kala duwan maalm uun ka dib markii Barlamaanka labadiisa aqal uu meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka ee muran uu ka taagan yahay.

Xafiiska Madaxwaynaha war ka soo baxay ayaa dhawr xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qayb qaatay meel marinta Dastuurka u magacaabay Guddiga saxiibnimada Soomaaliya iyo Taliyaaniga taas oo falclin badan ay ka dhalatay.

Baraha Bulshada waxaa si aad ah u qabsaday magacaabista xubnaha loo magacaabay Saxiibtinimada Soomaaliya & Taliyaaniga iyaga oo ka mid ahaa kuwa la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya balanqaadna haystay.

Saacada ka dibna waxaa soo baxay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sameeyay magacaabis kale oo banaanka keentay warar hore u jiray ee ah Villa Somalia in balanqaadyo ay samaynaysay ka hor wax ka bedelka Dastuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed  Nuur jilley.

Xasan Sheekh ayaa horay u magacaabay dhowr ergay, waxaana lagu tilmaamaa madaxweynaha ugu ergada badan oo daadejiyey awoodiisa, si loo fududeeyo adeegyada dowladda.

Dr. Cabdirashiid Jiley waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waana saaxiibka dhow ee Axmed Madoobe iyo Xamza Barre, waxaana laga soo doortay Jubbaland.

Si kastaba waxa la leeyahay waxaa suurtagal ah in ay jiri karaan magaacaabisyo kale oo salka ku haya balanqaadyo loo sameeyay xildhibaano ka tirsan Golaha shacbka kuwaas oo aad ugu ololeeyay qorshaha Xasan Sheekh ee arrimaha Dastuurlka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.