Muqdisho (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka sheekeeyay duruufihii adkaa ee uu ku soo koray iyo noloshii carruurnimo ee uu soo maray.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aabbihii uu ahaa curyaan, isaga oo xusay in markii dambe uu ku koray agoonnimo, isla markaana qoyskoodu aysan haysan hanti badan.
“Xasan Gurguurte waxa laygu baxshay, aabbahay curyaan ayuu ahaa, markii dambena agoonnimo ayaan ku koray. Hanti laba sac baan lahayn, iyagaa naloo maali jirey…” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in duruufaha dhaqaale iyo xaaladda qoyska aysan qofka ka hor istaagin inuu mustaqbal wanaagsan gaaro.
“In aad qof noqoto kuma xirna in waalidkaa hanti iyo aqoon lahaayeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa xambaarsan farriin ku saabsan adkeysiga, waxbarashada iyo dadaalka qofka, isagoo tusaale uga dhigay waaya-aragnimadiisa nololeed in qofku uu guul gaari karo xitaa haddii uu ku soo koray duruufo adag.

Leave a Reply