Nairobi ma waxay noqotay saldhiga mucaaradka MW Xasan Sheekh ?.

Nairobi ma waxay noqotay saldhiga mucaaradka MW Xasan Sheekh ?.

Nairobi (Raxanreeb )- Siyaasiinta sida aad ah u diidan hoggaanka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan waqtigan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa  magaalada ka socda shirar siyaasadeed  kuwaas oo diirada lagu saarayo sida xal looga – gaari karo halka dalka uu u jihayay madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalmo ka hor waxaa  shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwaynihii dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed.

Tan iyo markaas waxa magaalada Nairobi ay  noqotay saldhigga siyaasiin iyo magaalada laga qaado weerarada siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada waxaa lagu soo waramayaa in maalmaha soo aadan ay ku kulmi doonaan xubno siyaasiin ah kuwaas oo dhaliilsan hanaaanka dowladda Soomaaliya ay hadda wax u wado.

Nairobi shirarka lagu qabanayo ayaa la soo xiray  shanti sanno ee uu dalka maamulayay madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hase ahaatee waxaa dib u bilowdeen markii xukunka uu yimid Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jirsanaysa 15-ka May laba sanno markaas oo la sugayo in ay dib u bilowdaan xooga mucaaradnimada.

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan magaalada Nairobi waxaa lagu wadaa in isagana uu gaaro madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo diidan sida wax ay u wado dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.