Nin gubay Kitaabka Qur’ aanka oo maydkiisa la helay.

Nin gubay Kitaabka Qur’ aanka oo maydkiisa la helay.

Norway (Raxanreeb ) – Nin Caan Ku ahaa gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Salwan Momika, ayaa laga helay Norway asagoo Mayd ah.

Hore Sweden ayuu uga cararay Amnigiisa asagoo u baqayo oo uu sheegay in dowladaas Sweden aysan balan qaadi karin.

Waxu ahaa qaxooti ka yimid dalka Iraq oo uu u dhashey. Sweden inaan laga jeclayn ayuu ogaadey oo aan dhaqaalo ilaalintiisa lagu bixinayn.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.