Shirka madasha wada-tashiga Qaran oo ka furmaya Baydhabo

Shirka madasha wada-tashiga Qaran oo ka furmaya Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka madasha wada-tashiga Qaran ee madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa , sii amba-qaada qorshaha wada- shaqaynta Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedyada iyo dhamaystirka shirarkii madasha.

‘’14 bishaan ayuu dhacayaa shirka madasha watashiga Qaran ajandayaal waa weyn ayaana looga hadlayaa’’ ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr Xuseen Sheikh Maxamuud “

Waxaa ka qayb galaya inta badan madaxda maamul goboleedyada , lamase oga in shirkan Puntland oo tabasho qabta ay ka qayb gali doono iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.