NISA iyo Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Fuliyay Shabeellaha Hoose

NISA iyo Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Fuliyay Shabeellaha Hoose

Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online): Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhexeysa deegaannada Kabtan Laas iyo Janaale, gaar ahaan tuulada Kibili ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay kooxda Al-Shabaab ku doonaysay inay waxyeello ugu geysato shacabka ku nool deegaannadaasi.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa sheegay inay dileen laba ka tirsan Al-Shabaab, halka laba kale nolol lagu qabtay.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay sideed miino iyo bastoolad, kuwaas oo sida lagu sheegay loo adeegsan lahaa falal amni-darro iyo waxyeello loo geysto shacabka.

Meydka labada qof iyo hubka iyo miinooyinka laga soo qabtay howlgalka ayaa lagu soo bandhigay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.