Shabeellaha Dhexe ( Raxanreeb Online) Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in duqaynta ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera hawlgallada cirka, waxa ayna xaqiijisay in Hawlgalka lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay 12 xubnood oo katirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi isku uruursanayay.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaannada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ka wadaan hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo mararka qaar hawlgalladaasi ay taageeraan duqaymo cirka ah.

Leave a Reply