NISA oo sheegtay in weerar ka dhacay Hir-shabeelle ay ku dishay 23 xubnood oo katirsan AS

NISA oo sheegtay in weerar ka dhacay Hir-shabeelle ay ku dishay 23 xubnood oo katirsan AS

Hir-shabeelle ( Raxanreeb Online) War qoraal oo kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay afar howlgal oo qorsheysan ay toddobaadkan ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay ku dileen in ka badan 23 maleeshiyaadka oo katirsan Al0shabaab, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

“Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda Khawaarijtu ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato, iyo maleeshiyo kale oo lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale hay’adda NISA, ayaa sheegtay in weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe, laguna burburiyay xero ku taallay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay ugu yeeraan Xisbada, kuwaas oo qeyb ka ahaa fulinta weerarro ay Al-shabaab u maleegayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ay xoojisay howlgallada ka hortagga iyo ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.