Muqdisho (Raxanreeb) — Haya’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa goor dhoweeyd shaacisay in 20 koox oo shacabka ka qal qalin jiray baraha Internet-ka in ay bur burisay dhammaantood.
NISA, oo soo saartay bayaan ayaa ku sheegtay in ay xannibeen ku dhowaad 2500 oo lambar ah, kuwaas oo laga xannibay baraha Internet sida Telegram, WhatsApp, sidoo kalena laga mamnuucay adeegyada ku hadalka ee loo yaqaano OTT.
“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay NISA.
NISA, ayaa sidoo kale sheegtay in shabakadan ay qeeyb ka ahaayeen boobka iyo baadda ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidoo kale NISA, lambarada la xannibay qaar laga wici jiray shacabka oo ay ku jiraan ganacsatada kuwaas oo baad la weydiisan jiray.
“NISA waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digeysaa in ay xubin ka noqdaan Group, Channel ama Page ay leeyihiin Khawaarijta si aanay u wajihin xayiraad iyo in tallaabooyin sharci laga qaado, si waafaqsan siyaasaddaha la-dagaapanka argagixisada ee barahaaas iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada” ayaa lagu yiri mar kale.
Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa inta badan ugaarsata kooxda Al-Shabaab, oo inta badan baraha internet ka xirta sidoo kalena horey uga xirtay akoono bangiyo dalka kuwaas oo qaarkood lacago kumannaan kun ay ku jireen.