Qoor Qoor oo furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug

Qoor Qoor oo furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug

Dhuusamareeb (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay wehlinayaan Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Maxamed Nuur Gacal ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada maamulka Galmudug.

Qoor Qoor, oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ku ammaanay ugana mahad celiyay golaha wax qabadkii adkaa ee ay soo qabteen kalfadhiyadii lasoo dhaafay iyo isla xisaabtanka joogtada ee ay wadaan golaha iyo howlaha horutabinta leh.

Sidoo kale Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka hadlay dama xun ee gurracan ee Itoobiya, “Galmudug waxaa ay garab utahay dowlada federaalka Soomaaliya mana aqbaleyso in lagu xad gudbo madabanaanida dalkeena” ayuu yiri Qoor Qoor.

Qoor Qoor, ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciyaartoyda xulka Galmudug, ee ku guuleeystay maalinta Isniinta ee shalay koobka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kasoo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho tartan socday muddo 1 bil ahayd.

Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay Gool laag kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug.

Ciyaaraha sannadkan ayaa hareeyay musuq baahsan taasoo xiriirka kubbadda cagta Wasaaradda Ciyaaraha, iyo laamaha amniga ay maareyn waayeen amniga ciyaartoyda iyo taageereyaasha, iyadoo lacago waali ah, laga qaadayay daawadayaasha oo loo diiday in ay ka daawadaan baraha bulshada, iyo shaashadaha tv-yada.

Dhowaan ayay ahayd markii Kooxda maamul goboleedka koonfur galbeed iskaga baxeen inay sii ciyaarto koobka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, oo maalmihii udambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

Ciyaartoyda maamulkan ayaa dhowaan dhaawacyo loogu geystay magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhammaaday kulankii ay la lahaayeen dhiggooda Galmudug, iyagoo lagu weeray gaari bas ay saarnaayeen.