Odayaasha dhaqanka Hiiraan oo ku baaqay la dagaallanka Al-Shabaab

Muqdihso (Raxanreeb) Deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf xooggan iyo howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan ay wadaan beelaha dega gobolkaasi oo sheegay inay dhibaato kala kulmeen Al-Shabaab.

Tiro kamid ah dadka degaannada Gobolka Hiiraan oo hubka qaatay ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo kula galay Al-Shabaab qeybo kamid ah Gobolkaas, iyaga oo la sheegay inay degaano dhowr ah la wareegeen.

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaashada dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay xureeyaan dhammaan degaannada ay ka joogaan gobolka Hiiraan.

Wuxuu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka kale ee kunool Gobolka Hiiraan inay kusoo biiraan dagaalka, si Shacabkooda looga dulqaado dhibaatada kaga imaaneysa dhinaca Ururka Al-Shabaab.

Hadalka Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa kusoo aadaya xilli weli qeybo badan oo kamid ah gobolka Hiiran ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Dowladda iyo dadka degaanka oo hubka qaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.