Garta MD Xasan Sheekh Maxamuud oo ka socota Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Tan iyo markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho waxa magaalada ka bilowday kulamo ka dhan ah Madaxwaynaha.

Beelaha qaar ee dega gobolka Banaadir ayaa sheegay in Madaxwaynaha Dowladda Federaalka uu uga baxay balanqaadka hore ee ahaa in iyaga uu siinaya Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Xiisad u dhaxeeya labo beelood oo isku haysta Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka jirta caasiamada, waxaana soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo.

Saraakiil ka tirsan Dowladda si aad ahna la sheegay in ay garab buuxa ay u siiyeen Madaxwaynaha hadda talada haya intii ku jiray Oloaha doorasho isla markaana ahaa Badaado Qaran ayaa caasimadda ku qabtay kulan ay ku diidan yihiin go’aanka lagu magacaabay Yuusuf Jimcaalle.

Xubno ka socda dhanka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa in kulamo ay la qaadanayaan qaar ka mid ah beelaha si loogu qanciyo tabashada ay ka qabaan magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaalle.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, mid ka mid ah beelaha dega gobolka Banaadir hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uu ku yimid dib u magacabista Guddoomiye Yuusuf Jimcaalle.

Waxaa la saadilanayaa in Madaxwaynaha dowladda Federaalka uu culays siyaasadeed kala kulmi doono go’aanka magacaabista Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhanka kale xulufo la ah Madaxwaynaha talada haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.