Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay fashiliyeen Qarax

Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay fashiliyeen Qarax

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar, maamulka HirShabeelle, ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax nooca miinada ah, oo xalay la soo dhigay qeyb ka mid ah Xaafadda Horseed ee Jowhar,

Dadka deegaanka Xaafadaha ka agdhow halka Miinada la soo dhigay ayaa xalay qaarkood ka qaxay guryahooda kaddib markii ay ka cabsadeen in uu saameeyo qaraxaasi.

Laamaha Ammaanka Jowhar, ayaana la filaa in sacadaaha soo socda ay qarxiyaan miinadaasi si dhibaato aysan ugu geysan dadka shacabka ah, ee deggan xaafaddaasi.

Gobolka Hiiraan, ayaa ah, meelaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, ayna ka geeystaan weeraro kala duwan, sida qaraxyo galaaftay naf iyo maalba halka dhowaan lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Jowhar ayaa inta badan ka dhacaan qaraxyo sababa khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac.

Xigasho Somali Cable

Leave a Reply

Your email address will not be published.