Paul Rusesabagina: Geesadihii hoteelka Rwanda oo xabsiga lagasii deynayo

Paul Rusesabagina: Geesadihii hoteelka Rwanda oo xabsiga lagasii deynayo

Kigali (Raxanreeb) — Maareeye hotel oo hore isla markaana lagu soo bandhigay inuu yahay halyey filimkii Hollywood-ka ahaa ee Hotel Rwanda ayaa lagu wadaa in laga sii daayo xabsiga Kigali Sabtida beeri ah.

Paul Rusesabagina ayaa lagu xukumay shan iyo labaatan sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay eedeymo argagixisanimo sanadkii 2021.

Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Yolande Makolo ayaa sheegay in xukunkii Mr Rusesabagina lagu dhimay amar madaxweyne.

Mr Rusesabagina ayaa horraan si weyn u dhaleeceeyay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbanayay in Mr Rusesabagina la sii daayo.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in si qaldan loo xiray, isaga iyo 19 qof oo kale oo lala xukumay kuwaa oo sidoo kale xukunkooda laga khafiifiyay.