Shabaab oo gudaha u galay saldhig ciidan oo  ku yaala Sh. Dhexe

Shabaab oo gudaha u galay saldhig ciidan oo  ku yaala Sh. Dhexe

Jowhar (Warsheekh ) Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku lahaayeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha dhexe

Dagaalka oo ahaa Mid Culus ayaa la’isku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan iyadoona Al shabaab weersrka qaraxyada ah kadib dagaal toos ah ku qaaday Xerradda Ciidan ee ku tiilay deegaanka ruun nirgood.

Waxaana la sheegayaa in dagalka uu ilaa haatan ka socodo deegaanka.

Xerada la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Gor Gor iyo kuwa deegaanka, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ururka 7-aad ee Ciidmada gor-gor oo dhawaan yimid deegaanka saakaay dagaalku uu ka dhacay ee ruun nirgood ayaa iska caabiyay dagaalka kaga yimid dhinaca al shabaab sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidmada.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ka ruqaan-saday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa gurmad ahaan ugu baxay degmada Ruun-nirgood ee g.shabelaha dhexe.

Al- shabaab ayaa joogteeyay weeraradda ay aroortii hore ku qaadaan Xerooyinka Ciidmada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaano iyo degmooyin katirsan maamuladda Hiirshabeelle Galmudug koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.