Weerar lala xiriiriyey Iran oo lagu dilay qandaraasle Mareykan ah iyo Mareykanka oo jawaabay

Aleppo (Raxanreeb) — Weerar la tuhunsan yahay inay fulisay diyaarad drone ah oo ay sameysay Iran ayaa qandaraasle Mareykan ah ku dilay, shan askari oo Mareykan ahna ku dhaawacay waqooyi bari Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay durbadiiba ku aarguteen “duqeymo toos ah” oo lala beegsaday saldhigyo ay adeegsadaan kooxo ku xiran Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kuna dileen ugu yaraan afar qof.

Weerarka iyo jawaabta Mareykanka ayaa halis gelin kara dadaallo dhowaanahan ka socday gobolka oo lagu qaboojinayo xiisadda Bariga Dhexe, halkaasi oo quwadaha ku xifaaltama ay dhowaan gaareen heshiis isu soo dhowaansho kadib sanado qalalaase ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in bulshada sirdoonka Mareykanka ay go’aamiyeen in diyaaradda drone-ka ah ee weerarka fulisay ay aheyd Iranian, hase yeeshee ma uusan bixin caddeymo uu ku taageerayo sheegashadiisa.

“Duqeymaha waxaa la fuliyey ayada oo laga jawaabyao weerarkii maanta iyo weeraro dhowr oo dhowaanahan ka dhan ahaa xulafadeena Syria, kuwaas oo ay fuliyeen kooxo ku xiran Ilaalada Kacaanka,” ayuu yiri Austin.

Iran ayaa isku haleysa xoogag qarsoon oo Bariga Dhexe oo dhan ka howlgala, si ay uga hortagto Mareykanka iyo Israel, oo ah cadowgeeda koowaad ee gobolka.

Pentagon-ka ayaa sheegay in laba ka mid ah askarta dhaawacmay lagu daweeyey isla goobta, halka saddex kale iyo qandaraasle dhaawac ah loo gudbiyey goob caafimaad oo ku taalla Iraq.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxyo ka dhacay gobolka Deir el-Zour ee xuduudda la leh Iraq, islamarkaana ay ku yaallaan goobo laga soo saaro saliidda.

Maleeshiyo ay Iran taageerto iyo xoogagga Syria ayaa maamula aagga, oo sidoo kale dhowaanahan ay ka dhaceen duqeymo la rumeysan yahay inay fuliso Israel oo beegsata marinada lasoo mariyo sahayda Iran.

Iran iyo Syria weli ma aysan xaqiijin duqeymaha.

Kooxda u dhaqaaqda xuquuqda aadanaha ee Deir Ezzor 24 ayaa dhimashada ka dhalatay duqeumaha Mareykanka ku sheegtay afar qof. Hase yeeshee kooxda xuquuqda aadanaha ee Syrian Observatory ayaa sheegtay in duqeymaha ay ku naf waayeen lix ka mid ah maleeshiyada ay taageerto Iran.

AP/VOA