Pele Halyeygii Reer Brazil ayaa  geeriyooday isagoo jira 82 sano jir ah.

Pele Halyeygii Reer Brazil ayaa  geeriyooday isagoo jira 82 sano jir ah.

Brazil ( Raxanreeb ) Halyeygii reer Brazil ee Pelé ayaa geeriyooday, kaas oo ahaa mid ka mid ah kuwii abid ugu wacnaa ee wax ka beddelay ciyaaraha.

Pele ayaa  mudooyinkaan dambe xanuunsanayay, dhowr jeer suuqa la soo geliyay in uu geeriyooday, ayaa waxa uu ka mid shaqsiyaadka taariikhda weyn ku leh caalaamka, gaar ahaan tan K/Cagta.

Isagoo lagu naaneesayay Boqorka Kubada Cagta, Pele ayaa ku guuleystay seddex Koob Adduun uu u qaaday Brazil intii u dhaxeysay 1958kii ilaa 1970kii, waa ciyaaryahanka kaliya ee abid sidaas sameeya taariikhda kubada cagta.

Ciyaaryahanka ugu Goolasha badnaa dunida 1,281 gool, 1,363 Kulan.

77 Gool ayuu u dhaliyey Xulkiisa 92 kulan u saftay

Pele Sanadkii 2000 ayaa loo magacaabay Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Qarniga

Leave a Reply

Your email address will not be published.