Garoowe (Raxanreeb ) Maamul Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay in sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Daacish uu gaajo iyo harraad ugu geeriyooday dhulka miyiga ah.
Waaxda denbi-baadista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa xaqiijisay geerida Maxamed Saalim Maxamed oo ka tirsanaa Daacish islamarkaana ka soo jeeda dalka Yemen
Ninkan katirsanaa Daacish ee gaajada u geeriyooday ayaana la ogeyn in xilligaasi uu baxsad ka ahaa kooxdii uu ka tirsanaa ama uu u socday howlgal ay u direen saraakiisha kooxda Daacish.
Hay’adaha amniga Puntland ay baadi-goobayaan nin Soomaali ah oo socdaalka ku weheliyay ajnabiga geeriyooday ee Maxamed Saalim.
Booliiska Puntland ayaana dadka shacabka ah ka codsaday in ay lasoo wadaagaan xogaha kooxaha falalka amni darro ku lugta leh haddii ay arkaan, waxa ayna booliiska sheegeen in gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha nabbad diidka ah.
Leave a Reply