Garoowe (Raxanreeb )- Deegaano ka mid ah maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya ololaha doorasho deegaanada ee qof & cod oo dadka ay ku dooranayaan golayaasha deegaanka.
Xubnaha Sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa soo saaray liiska xubnaha Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Cabashooyinka ee Doorashada Golaha Degaanka.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay ka dhacaan doorashooyinka saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, Degmooyinkaan ayaa ka haray doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban Shan xubnood.
Leave a Reply