PUNTLAND ‘’ Ka hor ciida dagaalka Calmiskaad waa la soo afjarayaa‘’

PUNTLAND ‘’ Ka hor ciida dagaalka Calmiskaad waa la soo afjarayaa‘’

Garoowe (Raxanreeb )- Ciidanka difaaca maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan ay marayaan howlgalada ka dhanka ah ciribtirkka kooxda Daacish.

Saraakiisha hoggaamiysa howlgalada ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan uu marayo – gaba gabada wajiga seddaxaad ee howlgalka buuraha Calmiskaad isla markaana guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Hawlgalkii wejiga saddexaad baa socda oo hadda geba-gebo ah, waxaa noo qorshaysan ilaahay idankii intaan iidda la gaarin in aan dhammaan sifayno meel kasta oo ay ku dhuumanayan firxadkooda,” sidaas waxa sheegay  S/Guuto Degelle oo hoggaaminaya howlgalka.

Puntland ayaa sheegtay in tan iyo markii uu bilowday howlgaladan ay guulo wax ku ool ah ka gaareen  isla markaana ciidanka ay la wareegeen saldhigyo muhiim ah oo Daacish hore ay ugu sugnayeen.

Si kastaba waxaa muuqanaysa in Puntland ay xoogga saartay wax ka qabashada qul-qultooyin muddo dheer ka  jiray deegaanada maamulkaas oo ay gaysnayeen kooxaha argagaxisada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.