Karaash Oo Xilka Ku Wareejiyay Madaxweyne Kuxigeenka cusub.

Karaash Oo Xilka Ku Wareejiyay Madaxweyne Kuxigeenka cusub.

Garoowe (Raxanreeb ) Maanta oo Khamiis ah Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xaflada xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Axmed Cilmi Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub  Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Waxa ay ka dhacday xafladan xarunta Madaxtooyada Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo xiray Munaasabadda wuxuu boggaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee Madaxweyne ku-xigeenkii hore iyo doorkiisii joogtada ahaa ee shaqooyinkii u qabsoomay Dowladda

Leave a Reply

Your email address will not be published.