Puntland  oo maanta ka dhacaysa doorasho qof & cod oo golaha deegaanka ah.

Puntland  oo maanta ka dhacaysa doorasho qof & cod oo golaha deegaanka ah.

Garoowe (Raxanreeb )- Maanta  oo Talaad ah Puntland waxaa ka dhacaysa doorasho qof iyo cod ah oo Golaha deegaan ah waxana doorashooyinkan maanta ay ka dhacayaan degmooyinka Garoowe, Godob jiraan iyo Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Saddexdan dagmo ayeysan horrey uga dhicin doorashadu ka dib khilaaf ka dhashay qabsoomideeda sanadkii hore.

Waxaa markii hore la qorsheeyey in doorashada ay ka dhacdo 37 degmo oo ka tirsan Puntland. Balse degmooyinkan ayaanay xilligaas ka dhicin.

ciidamana ay isku hor fadhiyeen xilligaas deegamadaas.Arrintan ayaana u eeg mid xallisantay, tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Deni.

Dadka deegaamadan ayaa markii u horreysay gelaya doorasho qof iyo cod ah.

Dadka haysta kaararka aqoonsiga ee horay isugu diiwaangeliyay Doorashadaan in ay ka codeeyaan ayaa billaabay in ay Xaanshiyaha codkooda ku muujinayan in ay ku ridaan Sanaadiiqda loogu talagalay.

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland, Taliyaha Booliiska & Xubno kale oo katirsan Kormeerayaasha loogu talagalay in ay indhaha ku hayaan sida ay wax u socdaan ayaa tagay goobo kala duwan.

Guud ahaan goobaha doorashada ayaa laga joojiyay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka marka laga reebo kuwa shaqada ku jira ee u xil saaran hawlaha doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.