PUNTLAND : Shaqo kuma lihin wasiirka dowladda ee arrimaha gudaha .

PUNTLAND : Shaqo kuma lihin wasiirka dowladda ee arrimaha gudaha .

Garoowe (Raxanreeb )- Maamul goboleedka Puntland ayaa ayaa war ka soo saaray magacaabista ,wasiirada arrimaha  gudaha iyo dib u heshiisiinta ee deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland.

Puntland ayaa gabi ahaanba diiday inay aqbasho , wasiirkaas arrimaha gudaha , isla markaana diiday in deegaanadeeda lagu qabto musaabadaha lagu taageerayo wasiirka .

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir  ayaa sheegay qofkii Taageero u muujiya Wasiirka cusub ee arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh inuu noqonayo Danbiile.

Waxaa kale oo uu sheegay inaan la taageeri karin Dowlada Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar lagu taageerayo dowlada Somalia.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili  Wasiir Cali Xoosh oo ka soo jeeda Puntland uu qorshaynayo berrito in Xaflad lagu taageerayo isaga lagu qabto Garoowe, waxaana arrintaas laga cabsi qabaa  iney xiisad cusub ka dhaliso Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.