Moscow (Raxanreeb )-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu beddelo wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, sida ay Kremlin-ka ku dhawaaqay.
68-jirkan ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2012-kii, waxaana loo magacaabayaa xoghayaha golaha ammaanka ee Ruushka.
Waraaqo ay daabaceen aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka ayaa lagu sheegay in Mr Shoigu lagu bedeli doono ra’iisul wasaare ku xigeenka Andrei Belousov.
Mr Shoigu ayaa door muhiim ah ka qaatay dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine.
Warqadaha dowladda Ruushka ayaa muujinaya in Mr Putin uu doonayo in Mr Shoigu uu kala wareego Nikolai Patrushev oo ah golaha ammaanka ee awoodda badan. Ilaa hadda ma cadda waxa uu noqon doono xilka cusub ee Mr Patrushev.
Leave a Reply