Qabuuraha Taliska Asluubta oo Dhul Loo Burburinayo

Qabuuraha Taliska Asluubta oo Dhul Loo Burburinayo

Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay saaka bilowday qorshe lagu baneynayo qabuuraha weyn ee Taliska Ciidanka Asluubta ee Muqdisho, iyadoo la sheegay in dhulka qabuuraha loo qorsheeyay dhismo.

Sida lagu sheegay xogta la helayo, dhulka ayaa la sheegay in loo qoondeeyay shaqsiyaad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in qorshuhu yahay in meydadka qabuuraha laga soo saaro si goobta loo isticmaalo.

Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo caro ku saabsan ilaalinta xurmada qabuuraha iyo hantida dadweynaha, iyadoo sidoo kale la is weydiinayo cidda bixisay oggolaanshaha lagu beddelayo goobta qabuuraha iyo saldhigga sharci ee arrintaasi.

Raxanreeb Online waxay xustay in eedeymahan ay u baahan yihiin xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan cidda bixisay dhulka iyo qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay goobta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.