QABYAALAD : Afar qof oo mar qura loo dilay aargoosi qabiil.

QABYAALAD : Afar qof oo mar qura loo dilay aargoosi qabiil.

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Cara badadan ayaa ka   dhalatay   dilal salka ku haya  aano qabiil oo ka dhacay saacadihii  la dhaafay deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Afar  qof ayaa  lagu soo waramaya in lagu dilay deegaanada gobolka galgaduud halkaas oo ay ka jirto  dhibaatooyinka ku saabsan dilalka qabaa’ilka salka ku haya ee ay gaysanayan maleeshiyo hubaysan.

Afarta ruux ahaa ayaa dhamantood ahaa rag dhalinyaro ah, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isga baxsaday.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo geystay afarta dhalinyarada ah inuu yahay mid la xariiro aar goosi aano qabiil ah.

Dadka ku nool deegaanada gobolka galgaduud   sanado badan wajahaya dhibaatooyinka dilalka aargadashada ah  oo aan ilaa iyo hadda loo helin wax xal ah oo arintaas ku saabsan.

Maamulka Galmudug ayaa marar badan ku celceliyay in si dhab wax loogu qaban doono dhibaatada dilalka aargoosiga ah ee ka dhacay deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.