Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb) Qarax laga maqlay meelo kala duwan ayaa gordhow ka dhacay degmada kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayay wararku sheegayaan in uu ahaa miino kaasi lala eegtay Sarkaal iyo ciidamo uu watay oo ku sugnaa gudaha degmada kaxda gaar ahaan waaxda 1aad.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay Sarkaal lagu magacaabo Laba Xidigle Abshir shaafici, waxaana qaraxa ku dhaawacmay laba askari.

Ciidamo katirsan laamaha amniga degmada Kaxda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Xaalada Degmada Kaxda ayaa guud ahaan aad u kacsan waxaana dhanka kale socda bannaanbax weyn .

Leave a Reply

Your email address will not be published.