Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka ka imanaaya gobolka shabeellaha dhexe gaar ahaan duleedka magalaada Jowhar ayaa sheegaya in masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolkaas qarax lagu eegtay
Wararka waxaa ay sheegayaan in uu haleelay gaari uu la socday maareeye ku-xigeenka Airporka Jowhar iyo taliyaha saldhiga Degmada jowhar.
Sida ay ku waramayaan dadka degaanka waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi, in kastoo weli wax faafahin ah uusan ka soo bixin Maamulka Gobolka Shabeellaha dhaxe.
Deegaano badan oo gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al- Shabaa kaas oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo kooxaha kacdoonka.
Leave a Reply