Qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle & khasaaraha ka dhashay.

Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka ka imanaaya gobolka shabeellaha dhexe gaar ahaan duleedka magalaada Jowhar ayaa sheegaya in masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolkaas  qarax lagu eegtay

Wararka  waxaa ay sheegayaan in uu haleelay gaari uu la socday  maareeye ku-xigeenka Airporka Jowhar iyo taliyaha saldhiga Degmada jowhar.

Sida ay ku waramayaan dadka degaanka waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi, in kastoo weli wax faafahin ah uusan ka soo bixin Maamulka Gobolka Shabeellaha dhaxe.

Deegaano badan oo gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al- Shabaa kaas oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka iyo kooxaha kacdoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.