Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jowhar

Jowhar (Raxanreeb) — Faah faahino kasoo baxaya qarax lala eegtay masu’ul katirsan maamulka Hirshabeelle, Laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta ku sugan degaanka.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Mahad Muxiidiin Calasow oo ahaa Maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar iyo askari ka tirsan cidamada amniga, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin.

Qaraxan waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab. Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.