Nin Afrikaan ah oo Ruushka la safnaa oo lagu dilay dagaalka Ukraine oo meydkiisa la keenayo Zambia

Zambia (Raxanree) — Meydka arday u dhashay dalka Zambia Lemekhani Nyirenda oo ku dhintay dagaalka Ukraine isaga oo u dagaalamaya Ruushka ayaa lagu wadaa in maanta la keeno dalka Zambia, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaas.

Stanley Kakubo ayaau sheegay baarlamaanka dalkaa in meydka uu haatan soo gaaray magaalada dekedda ah ee Ruushka ee Rostov-on-Don uuna la socdo diblomaasi reer Zambia ah oo u soo galbinaya Lusaka .

Ninka oo oo 23 jir ah ayaa geeriyooday bishii September laakin warka dhimashadiisa waxaa la helay bishii hore, waxayna keentay in qoyskiisa iyo dowladda Zambia ay ku cadaadiyaan Ruushka su’aalo badan in ay ka jawaabaan.

Wiilkan ayaa injineerniada Nukliyeerka ku baranayey magaalada Moscow wuxuuna ku xukunaa xukun la xiriira maandooriye isagoo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Ruushka .

Walaashiis Muzang’alu Nyirenda ayaa sheegtay in u uku jiray fal maandooriye iibiye aan laga warqabin oo uu si qarsoodi u waday.

Wasaaradda Arrimha Dibedda ayaa baarlamaanka u sheegtay in dowladda Ruushka ay u xaqiijisay in wiilkan la cafiyeybishii August si uu uga qeybgalo howgal milatari isagoo loogu bedelayo cafiska

“Weli dowladda Ruushka waxaa la weydiisanayaa in faahfaahin ka bixiso geerida ninkaa dhallinyarada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.