Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Boondheere iyo degmada Yaaqshiid, ee gobolka Banaadir.
Weriyaal tagay goobahaasi ayaa inoo sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi.
Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa qarax miino oo lagu soo diyaariyay baco waddada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac Fashion, sida inaloo xaqiijiyay qofna wax kuma noqon.
Qaraxaasi ayaa waxaa la dhigay afaafka hore ee meherad Jallaatada iyo Macmacaanka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Aadan-neyntiin, taas oo ku taalla Isgoyska Dabka.
Dhanka kale degmada Boo dheere ayaa isna waxaa ku dhacay dhowr hoobiyaal kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jira waxaana ku dhaawacmay illaa iyo 3 ruux sida ay noo xaqiijiyren qaar ka mid ah, laamaha amniga.
Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray waddada, waxaa laga ag fogeeyay dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baareyaal balse inta uusan imaan miino baarahii ayay qaraxday.
Sidoo kale degmada Yaaqshiid, ayaa la sheegayaa inay wax ka dhaceen, balse illaa iyo hadda xog lagama helin khasaaraha iyo nooca qaraxyada ka dhacay Yaaqshiid.
Amniga magaalada Muqdisho, ayaa soo hagaagayay maalmihii u dambeeyay waxaana meel kasta la dhigay ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka, dadaalka hey’adaha amniga ayaa meesha ka saaray weeraradii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-Shabaab.
Halkan kala soco wixii kusoo kordha qaraxyadaasi.