Wasiirka Gaashaandhig oo ceeb dhax fadhiya !.

Wasiirka Gaashaandhig oo ceeb dhax fadhiya !.

Muqdisho (Raxaneeb )– Markii ay soo baxday in la lunsaday Saadkii ciidanka gaarka ah ee Danab ee dowladda Soomaaliya waxa isa soo tarayay dhaleecaynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya.

Waxaa farta lagu fiiqay durbadiiba Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Jaamac oo laga dalbaday inuu bixiyo jawaab deg deg ah oo ku haboon lunsashada saadka ciidanka.

Guddiga difaaca Barlamaanka war uu soo saaray ayuu ku canaantay wasiirka waxa uuna ka dalbaday inuu keeno warbixin dheelatiran oo ku saabsan musuqa lagu sameeyay ciidanka Danab.

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaana wasiirka Gaashaandhigga ka dalbaday in uu usoo caddeeyo sida uu ku dhacay musuqa, saraakiisha masuulka ka ah ee kiiskan loo xiran ama shaqada looga eryay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.