QM‘’Israel waxay  jabisay shuruucda caalamiga ah ee dagaalka ‘’.

QM‘’Israel waxay  jabisay shuruucda caalamiga ah ee dagaalka ‘’.

New York (Raxanreeb )- Warbixin kasoo baxday Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in duqeymaha Israel ay ka waddo Gaza “laga yaabo in ay si isdaba joog ah u jebiyeen mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciyada dagaalka.”

Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in baaritaan lagu sameeyay ilaa lix duqeyn oo cirka ahaa oo ay ciidamada Isra’il ka fuliyeen Gaza inti u dhaxeyay bilihii October iyo December ee 2023-ki, lagu xaqiijiyay dilka in ka badan 200 oo ruux.

Duqeymahaas ayay warbixintu sheegtay in lala beegsaday dhismooyin ay shacab daganaayeen, iskuulli, suuqyo iyo xerooyin qaxooti oo dhammaantood ku yaalla Gaza.

Madaxa xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM Volker Türk ayaa sheegay in ay u muuqatay in Israa’iil aysan samayn isku day ah in ay si wax ku ool ah u kala soocado rayidka Falastiiniyiinta iyo dagaalyahanada Xamaas.

“Nolosha rayidka iyo kaabayaasha waa la ilaaliyaa” marka loo eego sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayuu yiri Turk. “Sharcigani waxa uu si cad u qeexayaa waajibaadka cad ee dhinacyada iskahorimaadyada hubeysan ka saaran in ay mudaanta siiyaan dhowrista rayidka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.