Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaalle ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ka dib munaasabad ka dhacday xarunta gobolka .
Guddoomiye Madaalle ayaa xilkan la wareegay , iyadoo magaalada Muqdisho ay ka jiraan culayso – badan oo loo baahan yahay in shacabka laga dulqaado.
Duqa Caasimadda ayaa looga fadhiyaa wax ka qabashada amniga magaalada oo aad u liita, cabasho kala duwanna laga keenayey 5-tii sano ee ugu danbeysay.
Qodobada ugu muhiimsan ee dhibaatada ku ah dadka Muqdisho una baahan in xilligan adag wax la qabto waxaa ka mid ah Xirnaanshaha qaar ka mid ah wadooyinka, iyo bur burka hareeyey jidadka.
Waxaa ka mid ah qodobada kale ee u baahan – in Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu wax ka qabto , adeegyada bulshada sida, caafimaadka iyo waxbarashada ayaa kaalin muhiim ah uga jirta, shaqooyinka looga fadhiyo.
Dayaca caasimadda ka jira oo maamulo badan isku badbadalay ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee maamulka aan ku cusboonayd gobolka Banaadir inuu wax ka qabto , iyadoo ay ugu daran tahay caqabada isku socodka .
Madaalle oo hore u soo qabtay xilkan ayaa shacabka caasimadda ka dhawrayaan inuu markaan la yimaado isbedel cusub oo ka duwan koo hore ee ku dhisnaa wax qabad la’aan.
Leave a Reply