London (Raxanreeb) — Kharashka lagu haynayo iyo masaafurinta dadka sharci darada ku imaanaya UK doomaha yar yar ee hoos imanaya sharciga cusub ee la qorsheeyay ayaa noqon kara lacag dhan £6bn labada sano ee soo socota. Sida ay saadaasha dawladda UK saadlisay.
Sharciga ka dhanka ah dadka muhaajiriinta sharci darrada ah ayaa hadda maraya baarlamaanka.
BBC-du waxay fahansan tahay in Home Office-ku uu qiyaasayo in xarumaha dadka lagu hayo, hoygooda iyo dib ucelintooda joogto ah ay ku qarash gareyn doonto inta u dhaxaysa £3bn iyo £6bn.
Waxay awood u siinaysaa wasiirada inay dib uceliyaan qof kasta oo si sharci darro ah ku yimaada UK.
Muhaajiriintan waa laga mamnuuci doonaa inay magangalyo ka dalbadaan UK.