Tirada dadka ilaa hadda ka baxay Ruushka

Tirada dadka ilaa hadda ka baxay Ruushka

Moscow (Raxanreeb) — Dad u dhashay dalka Ruushka oo gaaraya boqolaal kun ayaa la asheegay in ay dalkooda isaga tageen tan iyo markii uu bilowday duulaanka ballaaran ee lagu qaaday dalka Ukraine.

Muwaadiniinta Ruushka u dhashay ayaa dalka ka baxayay xitaa ka hor dagaalkii Ukraine, oo ay ku jiraan kuwii khilaafay qabsashadii Moscow ee Crimea 2014 iyo sharciyo cusub oo fududeeyay in la ciqaabo mucaaradka.

Qaar badan oo ka mid ah waxay degeen gobollada Baltic, dalalka kale ee midowga Yurub, iyo sidoo kale Georgia.

Madaxweyne Putin waxa uu bilaabay abaabul ciidan bishii Sebtembar 2022 kaas oo ah in ” qof walbo uu u diyaar garoobo in uu qayb ka noqdo ciidanka” waxayna la macno tahay in ragga intooda badan ay halis ugu jiraan in laga qoro ciidanka.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa beeniyay in dadka Ruushka ay ka baxayaan Ruushka si ay uga badbaadaan in la ciidanka laqoro.